Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan, CC iyo Beesha Caalamka?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatey wakiilada beesha caalamka u jooga dalka.

Kulankan ayaa looga hadlayey dar-dar gelinta hannaanka doorashada, dhameystirka dhismaha maamulka HirShabeelle iyo xiisadaha ka aloosan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa wakiilada beesha caalamka uga waramey horumarka laga sameeyay hannaanka doorashada, dadaalka xaqiijinta qoondada haweenka iyo in doorashada ay ku dhacdo waqtiga loogu talagaley.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wakiilada uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan idin ku wargelinayaa in horumarka laga sameyeeyay dhismaha maamulka HirShabeelle ay ka tarjumeyso sida ay inooga go’an tahay hirgelinta nidaamka federaalka iyo baahinta xukunka. Maadaama dib u heshiisiintu ay tahay mid mar walba muhimadeeda leh, waxaan qabaa in cid walba oo ka maqan amaba wax tabaneysa ay ku biirto hannaanka socda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale uga waramay wakiilada beesha caalamka xiisadaha ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo inay lagama maarmaan tahay in isla xisaabtan dhab ah lala yimaado, lagana shaqeeyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii sannadkii hore ay wada saxiixeen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Wakiilada beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay horumarka lagu tallaabsadey, iyagoo ku baaqay in la dhowro hannaanka doorashada, qoondada haweenka iyo jadwalka doorashada.

Wakiilada beesha caalamka ayaa dhanka kale soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku baaqay in la xaqiijiyo in hanaankaasi uu noqdo mid loo wada dhan yahay.

——DHAMMAAD——