Akhriso: Qaabka ay maamul Goboleedyada usoo gudbiyeen Ergooyinka dooran lahaa xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga Doorashada Dadban ee Somalia ayaa maanta shaaciyay in ay soo gaareen Magacyada 6,528 Ergo oo soo dooran doona Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia.

Guddigu waxa uu sheegay in magacyada Ergada ee soo gaaray ay kamid yihiin 1425 Ergo ee dhawaan soo dooran doona guud ahaan 275 Xildhibaan ee BFS.

Guddiga oo magacyada soo gaaray sifeynaaya ayaa sheegay in iminka ay hayaan Magacyada 6528 Ergo oo u dhiganta 128 Ergo.

Guddiga waxa uu sheegay inay ka kala imaadeen Dhammaan Dowlad Gobaleedyada dalka, gaar ahaan kuwa ka diiwaan gishan dhanka DFS.

Sidoo kale, Guddiga cayimaaya Kuraasta ayaa u kala saaray sida soo socta:

1-Ergada maamulka Galmudug 12 Kursi.

2-Ergada maamulka Puntland 6 Kursi.

3-Ergada maamulka K/Galbeed 57 kursi.

4-Ergada maamulka Jubbaland 42 Kursi.

5-Ergada Sh/Dhexe iyo Hiiraan 11 Kursi.

Docda kale, Guddiga ayaa sheegay inay jiraan maamulo ay ku dhiman yihiin Ergooyinkooda balse ay ka dalbanayaan inay la soo dhaqsadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com