Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay shalay magaalada Muqdisho isugu yimaadeen waxgaradka Beesha habar Gidir, ayay ku qaadaceen shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Jubooyinka, ee shalay ka furmay Muqdisho.
Xildhibaanada baarlamaanka ka tirsan,kuwo hore xildhibaano usoo noqday,siyaasiyiin,waxgarad iyo haween kasoo jeeda Beesha Habar Gidir ayaana kulankaasi ka qeyb galay, iyagoo sheegay in shirkaasi uu gaar u yahay Maamulka KMG ee Axmad Madoobe.
Beesha Habar Gidir ayaa ku doodeysa in wado qaldan loo maray shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka, isla markaana la xaqiray awoodii ay ku lahaayeen jubbooyinka, saami aad u yarna laga siiyay ergada shirka ka furmay Muqdisho.
Waxay sheegeen xubnaha shirka beesha Habargidir isugu timid ineysan aqoonsan doonin wixii kasoo baxa shirkaasi, isla markaana aysan u arki doonin shir dib u heshiisiineed, maadaama ay qeyb ka aheyd qabiilooyinkii ku dagaalamay Jubbooyinka.
Sawirrada kullanka







