Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Aadan Madoobe iyo LAFTA GAREEN?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka iyo sidoo kale arrimaha abaaraha, gaar ahaa sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha.

“Madaxweynaha iyo guddoomiyaha ayaa iska xog-waraystay Xaalada Dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay saamaysay Abaarta ee ku nool Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa kulankan oo ay goobjoog ahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka lagu soo qaaday arrimaha Koonfur Galbeed, maadaama ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan maamulkaas oo dhawaan geli doono doorasho guud.

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu ka mid ah xubnaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed, wuxuuna sidoo kale qayb ka yahay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Lafta Gareen.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay noqdeen laba garab oo iska soo horjeeda.

Si kastaba, xiisadda ayaa xoogeysatay markii uu meesha ka baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay aad isugu dhawaayeen Lafta Gareen oo si weyn xildhibaano daacad u ah isaga soo saaray doorashadii soo dhamaatay ee Somalia.