26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: Maxay kawada hadleen Devid Concar & C/wali Gaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan khaasa kula yeeshay Danjiraha Dowlada Britain ee Somalia Ambassador Devid Concar.

Kulanka khaaska ah ee u dhexeeyay Ambassador Devid Concar iyo C/wali Gaas ayaa waxaa looga hadlaayay arrimo dhowr ah oo uu kamid yahay shirka la filaayo inuu ka furmo magaalada London.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale kawada hadlay xoojinta xiriirka Somalia iyo Britain, gaar ahaan kan Britain kala dhexeeya Puntland.

Waxa ay isla soo hadalqaaden abaarta aadka looga deeriyay ee ka jirta Soomaaliya gaar ahaan deegaanada maamulka Puntland, taageerada Horumarineed ee wadanka Ingiriisku ka fuliyo Puntland.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Punland iyo shacabkeeda oo is garabsanaya ay markasta la garab taagan yihiin gurmad iyo taakulayn dadkooda baaruhu saameeyeen.

Waxa uu sheegay inay tahay wax loobahan yahay in gacan ay ka helaan dadkaasi beesha caalamka gaar ahaan Ingiriiska si loo bad baadiyi dadkaasi u li’anaya macaluusha iyo wax la’aanta daran.

- Advertisement -

Read more

Local News