Muqdisho (Caasimada Online)-Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa Maxbuus xirnaa 63-sano oo markii laga siidaayay Xabsiga diiday inuu baxo.
Joseph Ligon oo kasoo jeeda magaalada Philadelphia, gobolka Pennsylvania ee dalkaasi Mareykanka ayaa diiday in uu bannaanka uga boxo xabsiga waxa uuna ku andacoonaayay inuusan la qabsan karin meel xabsiga ka baxsan.
Joseph Ligon oo hadda jira 79 sano ayaa waxaa loo xiray fal ku aadan dil kaasi oo dhacay sanadii 1953, waxa uuna ka dhacay magaalada Philadelphia, isagoona waqtigaas uu jiray 15-sano.
Joseph Ligon, waxa uu sheegay inay ku filan tahay dhowrkii sano ee uu xirnaa.