Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay maleeshiyaadka aan ka tirsaneyn Hay’adaha amaanka ee Hubka iyo Dareeska ku dhexwata magaalada Muqdisho.
Col. Bishaar Abshir Geeddi oo ah Taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in laguda galay wakhtigii magaalada laga sifeyn lahaa Maleeshiyaadka Hubeysan ee aan u diiwaan gishneyn dowlada.
Col. Bishaar Abshir Geeddi, waxa uu sheegay inuu bilowday howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadkaasi waxa uuna tilmaamay in siwada jir ah ay u wada fulin doonaan Ciidamada Booliska, NISA iyo kuwa Milliteriga.
Col. Bishaar Abshir Geeddi, waxa uu ka digay in waddooyinka lagu arko Maleeshiyaadka Hubeysan ee isticmaala dareeska ciidanka.
Waxa uu sheegay Askarigii isaga oo aan shaqo heyn lagu arko Laamiyada iyo goobaha Ciidanka Howlgallada ay ka wadaan in la ciqaabi doono, sidoo kalena la horgeyn doono sharciga.
Shacabka magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyan Ciidamada Amniga, isla markaana ay u soo gudbiyaan falalka lidiga ku ah Amniga.
Tallaabadaani ayaa imaaneysa xili maalmo un ka hor Madaxweynaha Somalia uu sheegay in Hay’addaha amniga lagula xisaabtami doono wixii qalalaaso ah ee Muqdisho ka dhaca.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

