Sawirro: Maxkamadda sare ee ciidamada oo ayiday xukunka dilka G/sare C/naasir oo dilay Jeneraal Saciid Mariino

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa ayiday xukun dil ah oo horey loogu riday G/sare C/naasir Xoosh Maxamed oo dilay taliyihiisii oo lagu magacaabi jiray Jen. Saciid Aadan Yusuf {Mariino}.

Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa lagu helay inuu dilay Generaal Siciid Mariino oo ka tirsanaa ciidamada badda Soomaaliya bishii January, waxayna maxkamadda sare ciidamada diiday racfaanka eedeysanaha oo la hor keenay caddeymo.


20-kii bishii Febuary ee sanadkan, ayay Maxkamadda darajada kowaad ku xukuntay Gaashaanle sare Xoogga dalka Gaashaanle sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed xukun dil toogasho ah.

Liibaan Cali Yarow sheegay in markii la dhageystay doodii dhinacyada xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida iyo qareenkii difaacayay rafcaanlaha uu yahay danbiile galay danbigii lagu soo oogay.Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada koowaad oo ahaa xukun dil ah oo loogu qisaasayo dilkii uu u geystay Marxuum Siciid Aadan Yuusuf (Mariino).

Cabdinaasir, oo 54-sano jir ah oo ka warbixiyay garsoorka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa qirtay in Xabad ka dhacday Bastoolad uu watay madaxa ka haleeshay Marxuum Siciid Mariino, sidaasina u geeriyooday.