SAWIRRO: Soomaali badan oo ku la’aty badda dalka Talyaaniga kadib markii…

Malta (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidamada Badda Dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigay Meydadka qaar ka tirsan Muhaajiriin Soomaali aheyn oo ay dooni kula qalibmatay Badda Talyaaniga xilli ay kusii jeeden Dalka Talyaaniga.

Saraakiisha ayaa Tilmaamay in Maydadkaani oo fara badan ay ku soo caariyeen Xeebta Deegaanka Qarabuli, waxa ayna sheegen inay rumeysan yihiin in Meydadkaani ay ka mid yihiin Tahriibayaashii la socday doonidii dhawaan ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya, kuwaasi oo ku haminayey inay gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in ku-dhawaad 300 oo Muhaajiriin ah ku geeriyoodeen doonidaas qalibantay.

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Libya, oo lagu magacaabo Cabdi-ladiif Ibraahim ayaa horey u sheegay inay 170-qof lagu la’ yahay dooni ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Libya.

Sarkaalka waxa uu xusay inay IlaaladdaXeebaha  soo badbaadiyeen 16-qof oo 5 ka mid  carruur ahaa.

Dhanka kale, Dadka ku geeriyooday doonidaasi ayaa la rumeysan yahay inay badankooda ahaayeen Somali iyo Eritrean ku talamaysay inay safar-baddeedkaasi ku gaaraan Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Caasimada Online

Xafiiska Malta

caasimada@live.com

DAAWO SAWIRADDA

IMG_615090-B3D801-FBA9CD-264BC1-334A22-3FCC52 TahriibIMG_48C986-68C225-D11421-297B6F-C7C1BE-604263 IMG_193D2E-8D0F32-559A5D-097414-91C283-454686 IMG_0259C0-AC9B06-1091F2-044C99-6BD27E-0311EF IMG_AEC78F-98DD75-427580-1FAF0A-2D809A-661B66  IMG_D9C971-0F71E6-021DEF-96AE80-203B28-176378