Sawirro: Midowga Yurub oo Muqdisho xusuus ugu sameeyey Almas Elman

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa maanta munaasabad baroor-diiq ah magaalada Muqdisho ugu sameeyey, marxuumad Almaas Elman oo dhowaan toogasho lama filaan aheyd loogu geystay gudaha xarunta Xalane ee AMISOM.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta ururka Midowga Yurub ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, wasiirka Maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) iyo wakiilada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Sidoo kale  ayaa waxaa madasha lagu soo bandhigay Sawirro Farshaxan ah oo ay sameysay gabadha lagu magacaabo Nujuum Arts, kuwaas oo muujinaya dhibaatooyin dhanka aadanaha ah iyo kuwa waxbarasho oo ay u ololeyn jirtay Almaas Elman.

Sidoo kale marxuumada ayaa si gaar ah u la shaqeyneysay Midowga Yurub oo ay door muuqda ku laheyd howlaha uu ka fuliyo Soomaaliya.

Almaas Elman Cali Axmed oo ka tirsaneyd qoyska caanka ah ee reer Elman ayaa 20-tankii bishii hore ku geeriyootay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay haleeshay xabad, iyadoo dhex socoto gudaha xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo.

Xabada dishay marxuumada ayaa aheyd mid dhashiike ah, taas oo la sheegay in kaliya magaalada ay ku heystaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Illaa iyo hadda lama shaacin cida ka dambeysay dilkeeda, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan dheeri ah ku aadan dhacdadaasi.

AMISOM ayaa dhankeeda ka hadashay dilkaasi, waxaana ay sheegtay in dowladda ay kala shaqeyneyso baaritaanka geerida Elmaas Elman oo aheyd diblomaasi hore.