Muqdisho (Caasimada Online)-Mid kamid ah xarumaha Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxyaabo maanka dooriya oo lagu soo qabqabtay howlgal ciidan oo ka dhacay Degmooyinka Muqdisho.
Waxyaabahan la soo bandhigay ayaa waxaa lagu soo qabqabtay hawlgal ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen Degmooyinka Dharkiinley iyo Hodan ee Gobolka Banaadir.
Hawlgalka oo ahaa mid guryaha lagu baaraayay, ayaa ciidanka Booliska intii uu socday waxa ay soo qabteen waxyaabaha Maanka dooriya, Taarikooyin Baabuur iyo direes ciidan.
Ciidamada ayaa sidoo kale Xarunta Booliska ee General Kaahiye kusoo bandhigay Bistoolado ay soo qabteen, waxaana Saraakiisha ay sheegeen Saddex ruux in lagu soo qabtay hawlgalkaas.
Goobta lagu soo bandhigay waxyaabahan ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Ducaalle (Islow).
Talisyada Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ayaa wajahaaya culeyso ku aadan wax ka qabashada ammaanka Muqdisho.


