Akhriso Golaha Wasiirada Galmudug oo 9 qodob kasoo saaray xiisada Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug gelinkii dambe ee maanta ku shiray Golaha Wasiirada maamulka.

Shirka Golaha ayaa waxaa looga hadlay go’aankii ay Xildhibaanada qaar xilalkii uga qaadeen Hogaamiye Ku-xigeenka maamulka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Shirka ayaa waxaa shir Gudoominayey Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ”Xaaf”, waxaana shirkaasi laga soo saaray qodobo dhowr ah oo khuseeyay xaalada uu ku jiro maamulka.

Waxyaabah ay Goluhu isla soo qaaden ayaa waxaa kamid ahaa gogosha ay ballanqaaday Jubbaland taa oo go’aano looga gaarayo caqabadaha soo wajaha maamulka iyo go’aanada dowlada Federaalka.

HOOS KA AKHRISO 9 QODOB EE LAGA SOO SAARAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA MAAMULK.

1-In ay si buuxdo u ayideen go’aankii Barlamaanka DGGM 30-09-2017 ee ka dhacay Xarunta KMG ee Cadaado.

2-Golaha Wasiirada waxaa ay ayidayaan go’aanka Maxkamadda Sare Galmudug ee ka qadatay kooxdii afgambiga dhicisobay soo abaabushay ee ay ugu yeertay in ay sharciga horyimaadaan.

3-Golaha wasirada waxa ay ka digayaan cawaqib xumada ka dhalan karta in kooxdii laga so abaabulay villa Somalia ay soo saaraan go’aano kale kuwaas oo qalqalin kara amniga.

4-Golaha wasirada waxa ay so dhaweynayaan gogosha kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland u fidisay Dowlad Goboleedyaa si looga wada xaajoodo xaladaha adag ee siyasadeed ee dalku uu wajahaayo kuwaas oo dib u dhac ku keeni kara qorshoyaalkii horumarineed ee la hiigsanayey.

5-Dowlada Federalka ee Somalia waxaa uu goluhu uso jedinaa inay ilaaliso hanaanka federal-ka dalka isla markaana ay ka shaqeyso xasilooni siyaasadeed taas oo dalka u horseedi karta horumar iyo midnimo.

6-Golaha Wasiirada waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka IGAD ee wada hadalka ASWJ iyo Galmudug iyadoo laga codsanayo in la dadajiyo si midnimada iyo wada jirka bulshada Galmudug loo gaaro.

7-Golaha Wasiirada waxa ay ugu baqayan Dowladda Dhexe iyo saxiibada Dowlad Goboleedyada in Galmudug lagu taageero hannaanka sharciga iyo kala dambeenta, isla-markaana ay tixgaliso tabashada Dowlad Goboleedyada Dalka.

8-Ururka Goboleedka IGAD, AU, UNSOM iyo dhammaan saxiibada beesha calamka waxaa laga codsanayaa inay laba jibaaran taageeradooda Somaliya, iyadoo weliba dalka uu ku jiro xaalad adag ee abaareed.

9-Saxaafadda madaxa banaanka ee ka hoolgasha Galmudug waxaa looga digayaa sii deynta warar kasta oo abuuri kara xiisad siyaasadeed ama amni daro, isla-markaana ka soo horjeeda siyaasada dowladda.

Dhinaca kale, Wasiiradu waxa ay hoosta ka xariiqeen in lama huraan ay tahay in shirkaasi loo diro wafdi matala maamulka oo qeyb ka noqda shirka.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com