Daawo: C/Weli Gaas oo soo saaray war culus oo ku saabsan khilaafka DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay gogosha uu toddobaadkii hore uu Madaxweynaha Jubbaland sheegay inuu dhigay Magaalada Kismaayo, si ay ugu wada hadlaan Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sheegay in Puntland ay taageereyso gogoshii uu toddobaadkii hore ku dhawaaqay Hogaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ”Axmed Madoobe”.

Waxa uu sheegay inay rumeysan yihiin in gogoshaasi looga wada hadli doono khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, waxa uuna rajo ka muujiyay inay kasoo bixi doonto natiijo wanaagsan.

“Shirkaasi waxaa ku dhawaaqay Hogaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ujeedadiisuna waxay tahay in la’isku yimaado oo la tashado. Dowlad Goboleedyada wax ay wadaagan oo ka dhaxeeyaa jira, marka loo eeggo Dowladda Dhexe.”

Waxa uu intaa raaciyay ”Dabcan waa ra’yi wanaagsan in la’isku yimaado oo la wada hadlo, waxa naga dhaxeeya aanu ka wada hadalno, waxa Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ka dhaxeeyana laga wada hadlo, waa wax loo baahan yahay weeye.”

Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan, ayaa waxaa dhawaan soo kala dhexgalay khilaaf, ka dib markii Maamul Goboleedyada qaarkood ay taageereen isbahaysiga Sacuudiga, ee go’doomiyay Dowladda Qatar.