Sawirro: Mursal oo la kulan laga reebay Muudey iyo Cawad la yeeshay guddiga maaliyadda BF ee la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ee khilaafka uu hareeyey.

Guddigan oo soo saaray warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre, ayaa waxaa kala diray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey, waxaase dib usoo celiyey Mursal oo markii la kala diray safar ku maqnaa.

Khilaafkii ka dhashay arrintan ayaan weli la xalin, hase yeeshee waxaa muuqat in Mursal uu ka guuleystay ku xigeenadiisa.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Xubnaha ayaa u kala qeybsan qaar la safan xukuumadda iyo qaar kasoo horjeeda.

Guddoomiyaha ayaa sida la sheegay dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah u qiray in howlo badan ay guddiga u yaallaan.

Mursal ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto.

“Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Si kastaba kulanka ayaa waxaa ka maqnaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey iyo ku xigeenka labaad Mahad Cawad. Labadan mas’uul ayaa la rumeysan yahay inaysan weli raali ka ahayn in guddigan lasoo celiyo.

Sida aan xogta ku helnay Mursal ayaan ku casuumin kulanka, waxaana sida muuqata weli taagan khilaafkii ka dhashay arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com