Sawirro: Muse Biixi oo soo dhoweyn cajiib ah loogu sameeyey Imaaraadka

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray dalka Imaaraadka Carabta ka dib marti-qaadkii rasmiga ahaa ee uu ka helay dalkaas.

Muuse Biixi ayaa waxaa si heer sare leh loogu soo dhoweeyey madaarka Albateen Airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada dalka Imaaraadka.

Waxaa weftiga madaxweynaha Somaliland halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo mas’uliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka.

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda Imaraadka Carabta.

Hoos ka daawo sawirrada