Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday hirgelinta adeegga E-VISA, kaas oo maanta uu daah-furay Wasiirka Amniga Gudaha.
Adeegga E-VISA/ETAS ayaa dalka lagu soo geli doono laga bilaabo 1-da bisha September 2025, sida ay ku dhawaaqday hay’adda socdaalka.
Adeeggan ayaa lagu soo dalban karo qaab elektaroonig ah, iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee hay’adda. Tani waa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektaroonigga ah.
Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Fartaag ayaa sheegay in laga bilaabo 1-da September ajaanibka dalka soo galaya ay ku soo geli doonaan nidaamka E-VISA.
Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in nidaamkan casriga ah uu muhiim u yahay sugidda amniga dalka, oggolaanshaha iyo la socodka dadka soo galaya, iyo sidoo kale xoojinta hufnaanta dhaqaalaha, iyadoo qidmada dalku-galka si toos ah ugu dhici doonto koontooyinka Wasaaradda Maaliyadda.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Dhuxulow ayaa xusay in maanta ay Soomaaliya qaadday tallaabo weyn oo taariikhi ah, taas oo muujinaysa in dalka uu la jaanqaadayo nidaamyada casriga ah ee caalamka.
Waxa uu sheegay in nidaamka E-VISA uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga dalka, ilaalinta xogta, kobcinta dhaqaalaha, iyo fududeynta adeegyada socdaalka.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa caddeeyay in qaybo ka mid ah dadka ajaanibta ah laga dhaafay shuruudaha ETAS, sida kuwa haysta fiisooyinka wadar-jeer lagu soo geli karo dalka (Multiple Visa), kuwa haysta degenaanshaha, diblomaasiyiinta, baasaboorka UNLP, iyo dalalka Soomaaliya kula jira heshiisyada isku-socodka xorta ah.
Dhankiisa, Agaasimaha Waaxda Ajaanibta iyo Dalku-galka, Isxaaq Xasan Taakow ayaa sheegay in muddo dheer la soo diyaarinayay nidaamkan casriga ah ee codsiga fiisaha onlaynka ah, kaas oo fududeyn doona in dadka ajaanibta ah ay ka dalban karaan dalku-galka meelkasta oo ay joogaan, laguna heli karo muddo kooban gudahood.
Waxa uu intaas ku daray in howl-wadeenno gaar ah loo tababaray si ay u hubiyaan bixinta fiisaha si hufan oo deg-deg ah.