Daawo Sawirrada: Gen. Muungaab oo sammeeyay tallaabo la bogaadiyo

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Gen Xasan Xuseen Muungaab, ayaa galabta xafiiskiisa degmada Heliwaa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nick Key.

Waxa ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay ammaanka caasimada Muqdisho iyo isbadalka uu wado maamulka gobalka Banaadir.

Kulanka waxaa kaloo goobjoog ka ahaa dhammaan 16- guddoomiye degmo ee gobalka Banaadir.

Markii uu soo dhammaaday kulanka waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiye Muungaab iyo Nick Key.kay bun

Muungaab iyo Nick Key oo buuneesanaya
Muungaab iyo Nick Key oo buuneesanaya

 

1511056_758014540885836_6397258647781871111_n

“Waxaan ka hadalnay dib u dhiska magaalada iyo caqabadaha na hor yaalla, wuxuu noo ballan qaaday in uu naga caawin doono, kulankeena wuxuu ku dhammaaday guul iyo is-afgarad” ayuu yiri Muungaab.

Muungaab ayaa sheegay in uu Key kala hadlay xoojinta maamulkiisa iyo Qaramada Midoobay isagoona sheegay in ay si weyn uga hadleen arrimaha ammaanka.

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee QM Nick Key ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay in la kulmo Muungaab iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir iyo in uu soo booqdo xarunta cusub ee gobalka Banaadir ee degmada Heliwaa.

Waa tallaabadii ugu horreysay oo Muungaab sameeyay isagoona beesha caalamka tusay in la soo booqon karo degmada ugu ammaanka daray Muqdisho oo ah Heliwaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com