DEG DEG AH: Dab ka kacay BAKAARO

Muqdisho (Caasimada Online)-War uu goordhow noo soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho, dab xooggan ayaa ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay wariyaha halkaas noo jooga in dabka uu ka kacay mid ka mid ah bakhaarada ku yaalla suqa isla markaana uu baabi’iyay.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa markiiba soo gaaray goobta uu dabka kacay kuwaasoo ku guulaystay dabka in ay damiyaan isla markaana uusan ku faafin bakhaaradda kale ee ku yaalla suuqa.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dabka caawa ka kacay suuqa Bakaaraha, oo ah suuqa ugu weyn koonfurta iyo Soomaaliya.

Maamulka degamda Howlwadaag ayaa hadda wada baaritaan ay uga gun lee yihiin siddii lagu ogaan lahaa sababta ka dambeesa dabka in uu ka kaco bakhaarka ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Ma markii ugu horreysay oo dab uu kaco xilli habeen ah oo Suuqa Bakaaraha balse waa kii ugu khasaaraha badan marka loo eego dababkii horre uga kici jiray suuqa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com