Sawirro: Cali Khaliif Galeyr oo maanta arrin cusub ka sameeyay BUUHOODLE

Buuhoodle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in halkaas maanta uu socod ku maray xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo hadda hadda ku sugan.

Cali Khaliif ayaa ku dhex lu geeyay waddooyinka magaalada, halkaasoo uu kula hadlay dadweyne fara badan siddaas waxaa ku soo warramaya wariyaha Caasimada Online ee Buuhoodle.

Hadallada uu sheegay wax ka mid ah in uu weerar ku qaaday maamulka Somaliland, wuxuu kaloo beeniyay in magaalada Buuhoodle ay ku kulmeen isaga iyo wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Xagale-toosiye .

Cali Khaliif Galeyr oo ku dhex lugeeyay Buuhdoole
Cali Khaliif Galeyr oo ku dhex lugeeyay Buuhdoole

 

10295723_1508741936020442_2586272480351873981_n

Wuxuu sheegay in haddii ay hadlayaan Somaliland iyo Khaatumo aaney dooneynin in la soo diro qof u dhashay deegannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo.

Cali Khaliif wuxuu kaloo sheegay in dhawaan magaalada Buuhoodle uu ka furmi doono shirkii seddaxaad ee maamulka Khaatumo kaasoo looga arrinsan doono arrimaha maamulka.

Wuxuu dadweynaah ugu baaqay in aysan wax baqdin leh aysan gallin isla markaana ay taageeraan maamulkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhdoole

Caasiamda@live.com