MUQDISHO: Kulamo xasaasi oo looga hadlaayo is-casilaadda madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa ka billowday kulamo gaar gaar ah oo ay lee yihiin xildhibannada baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo ka arrinsanaya go’aan shaley ay soo saarayn oo ku saabsan in madaxweynuhu is-casilo.

In ka badan 130 xildhibaan ayaa shaley si wadajir u soo saaray baaq ay sheegayn in ay la qabaan guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nick Key.

Xildhibaannadan ayaa ka arrinsanaya haddii uu madaxweynaha diddo baaqa loo soo jeediyay tallaabada ay qaadi karaan.

Waxa ay lee yihiin madaxweynaha haddii uu diiddo waxaan soo rogi doonaa mooshiin ka dhan deetana waxaa la isla tagi doonaa golaha baarlamaanka.

Caasimada Online ayaa ogaatay in qorshaha ka dhanka madaxweyne Xasan Sheekh in ku wehliyaan xildhibaannada siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale kuwaasoo la wada olaha xildhibaannada baarlamaanka.

Kulamada ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada si weyn looga dareemayaa, waxaana uu saameyn ku yeeshay fadhiga baarlamaanka oo aaney ka soo qaybgalin xildhibaanno badan.

Dhinaca kale, waxaa maanta shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannadii shalay shiray inay mooshin u badalaan dalabkoodi ku aadana inuu is casilo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu kaloo sheegay in ay muuqato raadadka wax qabad la’aan ee dowladda Xassan Shiikh Maxamud , waxa uuna ugu baaqay Madaxweynaha dalka in uu u dhaga nuglaado baaqa xildhibaannada baarlamanka qaar ay u direen.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxweynaha oo dalka ka maqan hadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com