Dhinacyada ku lugta leh mooshinka ka dhanka ah XASAN SHEEKH iyo sida ay wax u socdaan (Xog Xasaasi ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Somalia oo gaaraya illaa 133 xildhibaan, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu is-casilo, sabab ay ku sheegeen inuu ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Sida ay sheegeen xildhibaannada dalabkan keenay, is-casilaadda ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nocholas Kay.

Caasimada Online ayaa ogaatay in arrinta ku saabsan ku lug lahaanshaha Kay ay tahay mid xaqiiq ah, ayna sidaas qabaan beesha caalamka oo dhageysanayana talooyinka dalalka deriska ah.

Ilo-doblomaasiyadeed, ayaa Caasimada Online u sheegay inuu jiro dadaal muddo dheer ay wadeen dalalka Kenya iyo Ethiopia, oo la doonayo in Xasan Sheekh meesha looga saaro, ayna ka dhaadhiciyeen beesha caalamka.

Labadan dal ee ciidanka ay ka joogan Somalia, ayaa ka ashatakooday in madaxweynaha aysan is-fahmi Karin, lana shaqeyn karin, sidaa darteedna ay doonayaan inuu xafiiska ka tago.

Waxaa wax lala yaabo ah in arrimaha ay isku qabteen DF iyo dalalka deriska ay tahay “Sidii aan doonno aan dalkaaga ka yeesho iyo kayeelan meysid”.

Waxaa sidoo kale jira dadaallo caalami ah oo ay sameeyeen siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland iyo kuwa taabacsan maamulka Jubba ama ku beel ah, oo ka dhan ah madaxweynaha, ayada oo ay muuqato in Xasan Sheekh iyo beeshiisaba looga adkaaday dagaal siyaasadeedkii dalka.

Sida ay Caasimada Online horey u sheegtay dhowr bilood ka hor, waxaa jira qanacsanaan la’aan beesha caalamka ah oo ku wajahan madaxwenaha sababo dhowr ah dartood, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, arrintii bankiga dhexe, amni xumada Muqdisho iyo madaxweynaha oo siyaasadda ka go’doomiyey Soomaalida kale marka laga reebo kooxdiisa.

Wasiiro ay waxqabad la’aantooda banaanka taal, ayaa magacaabistooda uu madaxweynaha ku qasbay ra’iisul wasaaraha oo muddo ay u xayirneyd golihii wasiiradiisa.

Markii Xasan Sheekh la doortay waxa uu helay taagaeerada beesha caalamka, ayada oo shirkii New Deal loogu ballan qaaday hal bilyan oo euro, balse illaa iyo hadda soo ma gaaarin wax la taaban karo, ayada oo Yurubta ay muujiyeen shaki.

Inkasta oo Xasan Sheekh uu sameeyey qaladaad dhowr ah, oo uusan maqlin tallooyinka waxgaradka iyo shacabka marka laga reebo kooxdiisa, waxaa haddana muuqata in siyaasadda Somalia ay caalmka u gacan geliyeen dalalka deriska.

Gardarrada Kenya iyo Ethiopia iyo gumeysigooda cusub, ayaa waxaa garab siinaya beesha caalamka, waana taas waxa keenay in Xasan Sheekh waqtigiisa hadda gebo gebo yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com