DF: Baaritaan kadib waxaan ogaanay in qunsulka la sheegay in Kismaayo uu..

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shir aan caaddi ahayn ku yeeshay golaha wasiirradda xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa shirka looga hadlay qusulka Kenya la sheegay in ay u soo magacowday Kismaayo, dagaalka ka qarxay Balad-xaawo iyo warbixin laga dhageestay safiirka Soomaaliya ee Kenya oo dhawaan Muqdisho soo gaaray kaddib marki loo yeeray.

Markii uu kulanka soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiweli, wuxuuna sheegay in baaritaan la sameeyay la ogaaday in uusan jirin wax qunsul ah oo Kenya u soo magacowday Kismaayo.

Wuxuu sheegay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay xiriir la smaeeysay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya si ay wax uga weydiiso qunsulka la sheegay in loo soo magacaabay Kismaayo, wuxuu afhayeenka sheegay in aaney jirin wax qunsul ah oo la soo magacaabay.

Wuxuu sheegay warkaas in ay buunbuuniyeen uun saxaafadda ee uusan jirin wax qunsul ah oo Kenya u soo magacowday Kismaayo.

Dhinaca kale afhayeenka xukuumadda wuxuu kaloo sheegay in ra’iisal wasaaraha uu ku baaqay in si degdeg loo joojiyo dagaalka ka dhacay Baladxawo, isagoona sheegay inay xukuumadda si adag ula xisaabtami doonto cidda ka dambeysa dagaalka halkaas ka dhacay.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa dagaalka ka dhacay Beled-Xaawo ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, wuxuuna sheegay inuu ka xun yahay dhibaatooyinka soo gaaray shacabka degmada Beled-Xaawo.

Xukuumadda ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto dagaalka ka dhacay halkaas oo dhowr qof ay ku dhinteen, kuwa kalena ay ku dhaawacantay.

“Waan ka xunahay dhibaatooyinka soo gaaray shacabka ku nool magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“Waxaan mar labaad ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada ay ku wax yeeloobayaan shacabku, Waxaana xasuusinayaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso in Soomaaliya ay mareyso marxalad cusub oo ku salaysan nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.

Ugu dambeyn afhayeenka xukuumadda ayaa xusay in golaha wasiiradda uu xog warramay safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Wuxuu in safiirka uu ka warbixiyay xariggii bishii horre loogu geestay Nairobi qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Danjire Ameeriko ayaa sidoo kale la sheegay in ka warbixiyay xaalada qoxootiga Soomaalida ee ku nool Nairobi iyo sidda uu saamayn ugu yeeshay howgalka NABADDA.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com