Xildhibaannada oo sheegay talaabada xigta oo ay qaadayaan kaddib dalabkii is-casilaadda madaxweyne Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisamad Macallin Faarax, oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ee doonaya in uu iscasilo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xog ka bixiyey sababta mooshinka loo keenay.

Isagoo la hadlaayay Idaacad maxalli ah oo ku taalla Muqdisho , ayuu sheegay in madaxweynaha uu ku guul darreestay lixdii tiir ee ballan qaaday dowladiisa in ay ku shaqeynto markii la doortay.

Wuxuu sheegay ammaanka Muqdisho markii madaxweynaha la dooranayay uu ahaa mid aad u sareeya oo lix saac habeenimo la doortay balse maanta duhurkii cad Muqdisho aadan gaariga kuwadan Karin oo isaga toddobo saac la isku dayay in la dilo oo lagalay madaxtooayda.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha in talada dalka uu gacanta ugaliyay shakhiyaad kooban oo isagu awood uma lahan kaligiis in uu go’aan gaaro” ayuu yiri.

Waxa la weydiiyay haddii uu madaxweynaha diddo baaqa loo soo jeediyay tallaabada ay qaadanaayan,wuxuu carabka kua dkeeyay in sidda sharciga ay ula dhaqmi doonaan oo ay mooshin ka keeni doonaan.

Ugu dambeyn, wasiirkii horre ee arrimaha gudaha iyo amniga wuxuu madaxweynaha ka codsaday in uu oggolaada baaqa loo soo jeediyay isla markaana uu iscasilo si dalka iyo dadka loo badbaadiyo, labada sanno ee dhimman loo dhiibo qof ku haboon oo gaarsiin doorasho ka dhacda dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com