AXMED MADOOBE oo lagala hadlay doorashadda 2016-ka ee Soomaaliya

Kisamayo (Caasimada Online)- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maanta gaaray wafdi ay hoggaaminayso Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins.

Wafdiga waxaa garoonka magaalada Kismaayo ku soo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo saraaiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan halkaas.

Mrs. Judy-Chen Hopkins waxaa socdaalkeeda ku weheliya ku-xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serur, waxaana loo qaaday dhanka xarunta madaxdooyada ee maamulka, siddaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Mrs. Judy–Cheng Hopkins waxa ay hadda kulamo la lee dahay hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam iyo ku-xigeenkiisa jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

Kulanka wax yaabaha sidda weyn looga hadlay waxaa ka mid ahaa doorashadda 2016-ka ee la rabo in ay ka dhacdo Soomaaliya oo dhan, xaalladda ammaanka Kismaayo oo u muuqata mid faraha ka baxday iyo dardargelinta adeegyada horumarineed ee bulshada.

Wafdiga oo dib ugu laabtay Muqdisho ayaa intii ay ku sugnaayeen waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada oo la dhigay ciidamo fara badan.

Haweeneydan ayaa shaley magaalada Muqdisho kula kulantay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com