Kismaayo oo laga soo sheegay dhacdo kale oo naxdin leh & warar sheegaya…

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas xaley lagu dilay ganacade.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online in dilka uu ka dhacay xaafadda Via Afmadow, ee magaalada Kismaayo.

Kooxda dilka geestay oo ku hubeysnaa baastoolado ayaa la sheegay in goobta ay ka baxsadeen.

Ninka la dilaya ayaa la sheegay in uu iibin jiray qaad oo magaalada aad ayaa looga yaqaanaa.

Dilka kaddib waxaa gaaray goobta maleeshiyada maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo howgallo tan iyo xaley ka wada xaafaddaha magaalada Kismaayo.

Dilkan ka dhacay Kisamayo wuxuu ugu dambeeyaa dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo tan iyo markii maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe magaalada la wareegay.

Dhawaan Axmed Madoobe wuxuu isbadal ku sameeyay taliska nabad sugida magaalada, waxaana arrintaas looga gun lahaa in wax laga qabto falalka ammaan darri ee magaalada ka taagan balse waxbi isma badalin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com