Maraykanka oo saldhigga ugu weyn Afrika ka furanaya waddanka Jabuuti

Washington DC (Caasimada Online)-Dowladaha Maraykanka iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis 10 sanno ah oo ku aadan in Maraykanka saldhigga ugu weyn Afrika uu ka furto dalka Jabuuti.

Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay markii shaley aqalka cad ee Maraykanak ay ku kulmayn madaxweynayaasha Jabuuti iyo Maraykanka Ismaacil Cumar Geelle iyo Brack Obama.

Maraykanka ayaa hadda saldhigiisa ugu weyn Afrika wuxuu ku yaalla dalka Jermalka, in kastoo uu saldhig weyn ku lee yahay Jabuuti haddana waxaa la sheegay in qorshahan ay fursad weyn u noqon doonto dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa mar uu ka hadlaayay heshiiska labada dowladood, wuxuu sheegay in Jabuuti ay fursad weyn u tahay in saldhigga Afrika loo soo guuriyo isagoona sheegay in arrintaas shaqooyin iyo tababbarro ay ka heli doonaan dhallinyarada reer Jabuuti.

Dhinaca kale, intii uu socday kulanka labada madaxweyne waxaa jiray dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay afaafka horre ee Aqalka Cad, waxaana halkaas isugu soo baxay mucaaradka Jabuuti, kuwaasoo watay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

Dadkan ayaa isaga yimid gobalada Maraykanka iyo dalka Canada, waxaana ay sheegeen in madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle uu dalka ku hayo maamul adag oo ah dikteetar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington 

Caasimada@live.com