27.8 C
Mogadishu
Friday, June 6, 2025

Sawirro: MUUNGAAB oo tallaabadii ugu horreysay u qaaday xil la-wareegista

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duq magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta tallaabadiisii ugu horreysay u qaaday la-wareegista xilka, kadib markii lasoo magacaabay maalmo kahor.

Muungaab ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar halkaas oo uu kusoo dhaweeyay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxamed Axmed Amiir iyo mas’uuliyiinta kale ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay Amiir oo ay ka wada-hadleen howlaha gobolka Banaadir, maadaama uu isbeddal dhacay, laguna howlan yahay munasabadda xil wareejinta oo kaliya.

Intaas kadib Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kormeeray xafiisyada guddoomiye ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale waxa uu booqasho ku tagay xarumaha agaasinka caafimaadka, dad-dhigista, gaadiidka iyo gurmadka deg-degga, halkaasi oo ay warbixin ku siiyeen agaasimeyaasha kala duwan ee waaxyaha.

Waxaa kale oo uu xarunta taliska ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar ee (Municipio), halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan la filayo in Muungaab uu si rami ah xilka ula wareego, si uu u guto waajibaadka loo igmaday ee maamulka gobolka Banaadir.

Maalmihii lasoo dhaafay Muungaab ayaa kulamo qaabilaad ah ka waday hoygiisa oo ay buux dhaafiyeen mas’uuliyintii ugu badnaa iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kuwaas oo ugu tegay inay u hambalyeeyaan.

Si kastaba ahaatee, Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho.

Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.

- Advertisement -

Read more

Local News