Sawirro: Muuse Biixi oo la kulmay xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo ku guda jira safarkoodi Maraykanka maalintii Afraad ayaa shalay la kulmay xildhibaano ka tirsan Congress-ka Mareykanka.

Muuse Biixi ayaa la kulmay Senator Chris van Hollen oo ah Gudoomiyaha Guddi hoosaadka, Guddida Arrimaha Dibeeda ee Senate-ka u qaabilsan Afrika iyo Adam Smith, ahna gudoomiyaha Guddida Adeega Ciidamada ee Golaha Wakiiladda Maraykanka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Congress-ka ee Capitol Hill, waxaa Muuse Biixi iyo weftigiisa qado sharaf ugu sameeyey Senator Chris van Hollen oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta la-macaamilka Mareykanka ee ku wajahan Somaliland.

Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa Capitol Hill kula kulmay xidhibaan Adam Smith, waxaanu xildhibaanka ku qaabiley weftiga madaxweynaha xafiiskiisa, iyadoo kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Somaliland, gaar ahaan dhinaca amniga mandaqada Geeska Afrika iyo gaar ahaan iskaashiga amniga Somaliland iyo Maraykanka.

Muse Biixi oo ay Mareykanka ku casuuntay hay’adda Heritage Foundation ayaa dadaal ugu jiro in xubnaha Congress-ka Mareykanka ay cadaadis saaraan sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa.

Somaliland ayaa kireysatay qaar ka mid ah shirkadaha sameeya ololaha siyaasadeed ee loo yaqaan lobby, si ay ula kulansiiyaan xubnaha Congress-ka ugana dhaadhiciyaan inay taageeraan.

Balse dowladda madaxweyne Biden ayaa ku adkeysatay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, kulana macaamileyso siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya.

“Waxaan soo dhoweynay fursadda aan kula kulmay maanta Muuse Biixi Cabdi oo aan uga wada-hadalnay xoojinta la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ayada oo la raacayo siyaasaddeena midda ah ee Soomaaliya,” waxaa sidaas qoraal ay twitter soo dhigtay ku tiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika Molly Phee.