Daawo Sawirrada: Muwaadin Soomaali ah oo la doon-doonayay oo lagu toogtay dalka SYRIA !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Muwaadinkaasi oo lagu magacaabi jirey Sharki Jaamac ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Dagaalamayaasha Daacish ayaa waxaa la xaqiijiyey in lagu dilay gudaha dalka Syria.

Aabaha dhalay Muwaadinkaasi la dilay oo lagu magacaabo Dada Jaamac ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta dalka Australia in lagu soo wargeliyey in Wiilkiisa lagu toogtay gudaha dalka Syria.

Waxa uu Aabahaasi sheegay inay dhowr qof u xaqiijiyeen dilka wiilkiisa, kadib, markii Farriin-qoraaleed looga soo diray Mobaylkii uu Wiilkiisa lahaa.

Qoysaska iyo saaxiibada Sharki Jamac waxay Online ahaan u soo dhigeen war kooban oo ku saabsan dilkiisa.

Dhinaca kale, Muwaadinkaas Somali-Australianka ee Sharki Jaamac oo horey u deganaan jirey magaalladda Melbourne ee dalka Australia ayaa waxa uu xayeysiin jirey Labiska ragga, wuxuuna tan iyo bilowgii sannadkan degganaa magaalladda Faluuja ee dalka Iraq, ka hor inta uusan u sii gudbin dalka Syria.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4