WASIIR ka tirsan dowladda SOMALIA uu ka soo yeeray hadal shacab badan ka carreysiiyey !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaraada Macdanta iyo Batroolka Eng Maxamed Mukhtar Ibraahin Ciidanka Amniga Soomaaliyeed oo wareysi siiyey shabakadda Radio Muqdîsho.net ayaa ugu hambalyeeye qaabka Geesinimadu ku dheehantahay ee ay u fashiliyeen Weerarkii fulaynimada ahaa ee shalay ay kusoo qaadeen Kooxda UGUS dhismaha Wasaaradaha Tacliinta iyo Hidaha.

Hadalka ka soo yeeray wasiirka, waxaa si weyn uga gilgishay waxgarad kala duwan oo ay ku jiraan ehelada dadkii weerarkaasi ku dhintay, waxaana dadkaasi la yaab ku noqotay shaqsi mas’uuliyad sheeganaya in goob ay ku dhinteen dad tiradooda ay ka badan tahay 15 qofood oo shacab ah uu sheego in weerarkaasi la fashiliyey.

“Waxaa la dhihi karaa weerarkaasi wuu fashilmay marka kooxda soo weerartantay iyaga oo aan wax qasaara ah geysan ay ciidamadu ka hortagaan, balse goob ay ku dhinteen tiro shacab ah oo ka badan 15 qof inaad tiraa waa la fashiliyey waxey ku tusineysaa in qofka sidaa u hadlay uusan aheyn qof hadalkiisa u fiirsaday” Ayuu yiri mid ka mid ah ehelada dadkii weerarkaasi ku geeriyooday; wuxuuna xusay in ay dhibsanayaan dadkii eheladooda weerarkaasi ku waayey hadaladaasi xanafta leh.

“Siddeey ku dhici kartaa in shaqsi mas’uul ah masiibadii meeshaas ka dhacday uusan waxba ka soo qaadin, oo uu yiraa waa la fashiliyey.?”Ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in Wasiirka sidaa u hadlay inuu hadalkiisa oo taabtay dadkii dadkooda ku waayey weerarkaasi inuu raaligelin ka bixiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com