Diyaarad sida 2 million oo $ oo tagtay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Diyaarad gaar ah oo siday lacag dhan laba milyan oo dollarka Mareykanka ah, ayaa waxay ka cago dhigatay Garoonka Magaalada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Lacagahan oo laga soo qaaday Bankiga Dhexe ee Somaliya, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka qaaday xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedka lacagtan loo gaarsiiyay Magaalada Cadaado, ayaa waxaa lagu sheegay sidii C/kariin Xseen Guuleed uu ugu guuleysan lahaa doorashada Madaxtinimada ee Gobolada Dhexe.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar loogu talla galay Ergada Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, ee lagu wado inay soo doorato Madaxweynaha, inta kale ayaa waxaa loogu talla galay in lagu aamusiiyo Odaqyaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Cadaado ku sugan, si aynaan u mucaaradin doorashada Wasiirkii hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa dusha kala socon doono qaabka lacagahan loo siinayo Ergada, haddii ayba diyaar u yihiin inay doortan C/kariin Xuseen Guuleed.

Guuleed, ayaa qudhiisa rumeysan in lacag la’aan aan looga gadi/iibin karin Ergada, taasina ay keentay in loo baahdo lacago lagu indho sircaadiyo Ergada.

Dadka qaarkii, ayaynaan layaab ku noqon doonin in Guuleed uu adeegsado lacago, si uu ugu soo baxo doorashada, bacdamaa ay dadku xusuustaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qudhiisu ku soo baxay lacago, tartankii doorashada Madaxtinimada Somaliya, ee September 10, 2012 lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Guuleed, ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii ka cago dhigtay Garoonka Duulimaadyada Cadaado, iyadoo si ka duwan sida musharaxiinta loogu soo dhaweeyo, ay ugu soo dhaweeyen dadka deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com