Xog: Shuruud cusub oo adag oo Xasan Sheekh la hordhigay si loo furo shirka CADAADO (Aqri)

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal cusub oo hor leh uga bilowday degmada Cadaado ee Gobolka G/Gaduud kadib markii isbaheysi halkaasi ku sugan ka biyo diiday in la furo shirka muddada dheer soo jiitamayay ee maamul u sameynta gobolada Dhexe iyadoo aan xal loo helin arrimo ay ka cabanayaan.

Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in madaxweynaha wadahadal la isku xiiqay la leeyahay Ximan & Xeeb, Galmudug iyo qeyb kamida Ahlu sunna, kuwaasoo si weyn uga horjeeda go’aankii uu madaxweynaha ee ku saabsanaa in Dhuusmareeb ay tahay caasimadda maamulka Gobolada dhexe, waxayna dalbanayaan in dib looga noqdo go’aankaasi ama shuruudo ay wataan loo fuliyo.

Shuruudaha cusub ayaa waxaa ka mida cidda qabaneysa xilka madaxweyaha in la cayimo, waxayna wadahadalka socda isugu jiraa kuwo kala gaar ah iyo mid guud. Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu tuhunsan yahay inuu mid ka mida saaxiibadii doonayo inuu noqdo madaxweynaha maamulka la dhisayo ayaa bilaabay qancinta beelaha gobollada dhexe, kuwaasoo u muuqda inay kala hinaaseen.

Dhinaca kale ergooyin gaaraya ka socday degmada Caabudwaaq oo ka tegay Dhuusaamareeb ayaa la sheegay in lagu celiyay koontaroolka Cadaado, iyadoo loo sheegay inay iska xulaan 20 xubnood iska soo xulaan oo kaliya, si ay shirka uga qeyb galaan. Waxaa dhacday inay ergadii diideen go’aankaasi dibna ugu laabteen Dhuusamareeb iyagoo careysan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga fadhiyaa sidii uu u qancin lahaa kooxaha iyo beelaha cusub iyo caqabadda cusub ee ku xiran in shirka maamul u sameynta uu furmo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadadao
Caasimada@live.com