FASHIL: Daad ku rogmaday Terminal-kii cusbaa ee garoonka iyo biyo qaaday dukumiintiyo !!!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in duulimaadyada garoonka uu joogsaday, kadib markii uu daad ku rogmay dhismaha cusub ee Garoonka.

Wararku waxa ay sheegayaan in roob xoogan uu gudaha u galay Xafiisyada Garoonka gaar ahaan dhismaha cusub, waxaana la tilmaamayaa in roobka uu saameyn ba’an ku yeeshay howlaha ka socday Garoonka.

Roobka ayaa waxa uu sidoo kale saameyn ku yeeshay dhabihii diyaaradaha ay kusoo dagi lahaayeen, taasi oo keentay in gabi ahaan si KMG ah loo joojiyo duulimaadka, iyadoona ay wararku intaa kusii darayaan in roobka uu qaaday qaar kamid ahaan Dukumiintiyada Xafiisyada.

Diyaarado Muqdisho kusoo wajahnaa ayaa dib u laabtay, waxaana maanta la filayay in garoonka Duulimaad badan ay ka baxaan, sida uu inoo sheegay mid ka mid ah shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde.

Dhanka kale, waxaa biyo iyo caro buux dhaafiyay gabi ahaan laamiyadii ay dhistay Dowlada Turkiga, taasi oo ay ugu wacan tahay ka fiirsasho la’ aan iyo degdeg lagu dhisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com