SHIRKA CADAADO OO SI RASMI AH U FURMAY!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si toos ah goordhow Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb uga furmay shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud, kaasi oo maalinimadii shalay fashilmay.

Warar hordhac ah ayaa soo sheegaya in iminka ay socto Khudbada Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Baarleex, waxaana Hoolka ku dhan dhamaan Ergooyinkii ka qeybgalaayay shirka.

Baarleex, ayaa sidoo kale, Makaroofanka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana Khudbado ceynkaasi ah jeedin doono Xubno QM ka jooga Cadaado iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia.

Xalada Magaalada Cadaado ayaa ah mid dagan, waxaana si weyn loo hadal hayaa halka uu ku biyo shuban doono shirka, bacdamaa uu bilowgiisa ku furmay Khilaaf iyo Buuq.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xassan iyo Beesha Caalamka ayaa ku guuleystay soo afjarida Khilaafyadii ka dhexeeyay Odayaasha Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com