Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Hogaamiyaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka.
Socdaalka Hogaamiyaha iyo Wafdigiisa ayaa la sheegay inuu la xiriiro, sidii ay ugu kuur geli lahaayen xaalada degmada Caabudwaaq oo dhowr jeer ay dagaalo ku dhex mareen maleeshiyo beeleedyo.
Hogaamiyaha waxa uu kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Degmada Caabudwaaq, wuxuuna kala hadlay arrimaha ku aadan xiisadaha ka taagan Magaaladaasi.
Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ka dhaca dilal ku saleysan aanooyinka qabiilka ah oo si aad ah ugu badan Magaalada, Odayaashana ay wax ka qaban waayeen.
Hogaamiyaha waxa uu xooga saarayaa sidii odayaasha kaaba qabiilada deegaanka looga dhaadhicin lahaa sidii nabadgelyada looga shaqeyn lahaa, isla markaana maamulkiisa doonayo inuu dib u heshiisiin dhex dhigo.
Hogaamiyaha ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay ka hortaga dhammaan waxyaabaha keeni kara colaadaha iyo khilaafyada jira.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ku aaday safarkii ugu horeeyay tan iyo markii loo dhaariyay xilka.