Sawirro: Muxuu ku saabsanaa kulanka khaaska ah ee Hargeysa ku dhexmaray Biixi & Keating

Hargeysa (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku qaabilay  Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Michael Keating.

Muuse Biixi Cabdi iyo Danjire Michael Keating, ayaa si gaara uga wadahadlay xaalada guud ee Somalia, Colaadaha kasoo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool iyo Arrimo kale oo gaar ah sida wareejinta Hawada Somalia.

Muuse Biixi Cabdi iyo Danjire Michael Keating, waxa ay isla soo qaaden nabadda Somalia iyo deegaanada deegaanada maamulka Somaliland, waxa uuna Mr Michael sheegay in QM ay ahmiyad gaara u aragto in leyskala gudbo caqabadaha Siyaasadeed ee Somaliland kala dhexeeya Somalia inteeda kale.

Markii uu soo dhammaaday shirka uu albaabada u xirnaa waxaa warbaahinta u faafiyay shirka iyo waxyaabaha looga hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire.

Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay inay labada dhinac ku lafo-gureen kulankooda sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac iyo dib u xalinta khilaafyada Somaliland kala dhexeeya Somalia.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa yiri ‘’Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu Hoggaaminayo Ergayga QM ayaa halkan inoogu yimid, waxayna la kulmeen Madaxweyne Biixi, Waxayan uga hadleen kulankooda waxyaabo badan oo la xiriira shaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac. Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxa ka mid ahaa Siyaasadda, Dimuqraaddiyadda, Nabad-galyada, dhaqaalaha iyo Garg-aarka, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, Waxaanan rajaynaynaa in xiriirkii wanaagsanaa ee wadashaqayneed ee aynu la lahayn QM uu halkaas kasii socon doono,”