Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay siyaasiyiinta GEDO?

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ayaa kulamo gaar gaar ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in xalay Rooble uu si gaar ah u qaabilay siyaasiyiinta Jubbaland, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Gedo, isaga oo kala hadlay arrimaha gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimaha dib u heshiisiinta gobolka Gedo iyo sidii loola shaqeyn lahaa guddiga loo xil-saaray arrintaasi, si howsha loo bilaabo.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo taas oo qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiinta Gedo,” ayaa lagu yiri  war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisuul wasaaraha dalka.

Rooble iyo siyaasiyiinta ku abtirsada Gedo ayaa sidoo kale iska xog wareystay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii doorasho loogu qaban magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi, maadaama uu yar yahay waqtiga, welina ay caqabado iska jiraan.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa maanta lagu wadaa inuu mashaariic kala dunwa oo horumarineed ka dhagax-dhigo gudaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Booqashada uu Rooble ku joogo Jubbaland ayaa ah tii ugu horreysay, waxaana ay ku soo aadeysaa, xilli xasaasi ah oo la galayo doorashooyin, maadaama heshiis la gaaray.

Si kastaba, Jubbaland ayaa in muddo ah ka mid aheyd maamullada sida weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka, walow haatan ay isaga soo dhawaadeen sidii hore.