Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay taliyeyaasha ciidamada ee uu maanta la kulmay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliska booliska AMISOM, isagoona kala hadlay amniga doorashada.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland), ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu faray taliska booliska iyo kuwa AMISOM fududeynta howlaha amniga ee doorashada aqalka sare ee Somaliland.

Doroashada Aqalka Sare ee gobolada waqooyi ee loo yaqaano Somaliland ayaa lagu wadaa inay qabsoomto toddobaadkan gudahiisa, wuxuuna kulankaan qeyb ka ahaa dar-dar gelinta amni ee doorashada.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay billaabato jeedinta khudbadaha musharaxiinta, waxaana kadib si rasmi ah loo gudo gali doona doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi.

Doorashada Somaliland ayaa noqoneysa middii u dambeysay ee Aqalka Sare, halka ay dowlad goboleedyada badankooda ay soo dhameystireen.