Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa xilka laga qaaday Taliyihii Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Sareeya Gaas Xaamud ayaa maanta tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan Booliska oo tababarka ku dhameystay dugsiga Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Munaasabada lagu soo xiray tababarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa labada Taliye ku-xigeenada iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DFS.
Xaamuud ayaa sheegay in ciidamada Booliska looga baahan yahay in laga dareemo isbadal xogan, waxa uuna tilmaamay in Saraakiisha tababarka loo soo xiray ay daacad u noqdaan Qaranka.
Xaamud oo goobta ka hadlay ayaa yiri ”Waxaan dooneynaa in Askari waliba uu qaato tababar waayo Askari aan heysan tababar ma difaaci karo qaranka”
”Waa in qofka ciidanka ah uu ka dhisnaado xaga aqoonta iyo la dhaqanka bulshada intii karaankeena ah waan ku dadaali doonaa Insha Allah”
Munaasabada tababarka kadib ayaa Digreeto soo baxday lana horgeeyay Golaha Wasiirada xilka looga qaaday Xaamud iyo Taliyayaal kale.