Maxaa mar kale keenay inuu baaqdo safarkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Cadaado?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta baaqday safar uu wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ku tagi lahaa Magaalada Cadaado, halkaas oo la doonayey inuu wadahadal uga furmo dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedka Galmudug.

Wasiirka oo la filayey inuu maanta gelinka dambe u dhoofo Cadaado ayaa baaqday kadib markii ay dowladda culeys kala kulantay maamulka Galmudug.

Xildhibaanada iyo Guddiga doorashada ayaa diiday inay qaataan codsiga dowladda ee ahaa in doorashada dib loo dhigo si looga qeybgeliyo Ahlu Sunna Waljameeca oo awood weyn ku leh halkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa wasiir Juxa u xil saartay inuu Galmudug kasoo dhaadhacsiiyo in doorashada dib loo dhigo, inkastoo ay guddiga doorashada ku dhawaaqeyn inaysan marnaba ka tanaasuli doonin waqtiga ay u qabteen.

Culeys weyn ayaa dowladda Soomaaliya ka heysto inay ku lug lahaato doorashada Galmudug oo ay isku diiwaan geliyeen ilaa 3 Musharax, waxayna noqotay doorasho aan xiiso badan laheyn maadaama ay halkaas ka maqan tahay doorkii dowladda Soomaaliya.

Galmudug ayaa ku dhagan mowfiq adag oo ah inaysan dib u dhici karin doorashada, halkas ay dowladda Soomaaliya isku taxalujineyso sidii looga dhaadhacsiin lahaa dib u dhigista doorashada.

Sababta ugu weyn ee keentay inuu baaqdo safarkaan ayaa ah Galmudug oo aan ku faraxsaneyn inay dowladda soo gacan geliso doorashada, waxaana maqribkii la xaliyey Khilaafka.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu Berri u safro cadaado, waxaana la filayaa inay halkaas ka dhacaan kulamo Xasaasi ah oo dhex mari doono Wasiir Juxa iyo madaxda Galmudug.

Dadka falanqeeyo Siyaasadda ayaa aaminsan in haddii aanan Ahlu Sunna laga qeybgelin doorashada aan la heli doonin maamul sidii la rabay u shaqeeyo, waxayna dowladda  dooneysaa inay arrintaas xal waarto u hesho Ahlu Sunnana laga qeybgeliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com