Sawirro: Muxuu Xamza kaga dhowaaqay Beledweyne?

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuur-galaan xaaladda abaaraha, una dhiirigeliyaan ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweynta ka dib, kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaartu ku yeelatay gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay bulshada Beledweyne soo dhaweynta diirran ee u sameeyeen, isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada, kuwaaas oo ka xorreeyey deegaanno badan.

Xamse Cabdi Barre oo weheliyo Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa kormeeray Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee la dagaallamaya argagixisada. Isagoo ku tilmaamay ciidanka X.D.S geesiyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Maamulka Gobolka Hiiraan, Ciidammada qalabka sida iyo dhammaan bulshada qeybahooda kala duwan, Waxaana dhagaystay baahiyaha ay bulshadu qabto” ayuj yiri Raysal wasaare Xamse.

Mudane Xamse ayaa u ballan qaaday in xukuumaddu taageero iyo hiil ay la garab taagan tahay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee isku xil-qaamay sidii ay cadawga u sifeyn lahaayeen gobolka.

“Waxaan marar badan balan qaaday in Xukuumadeyda mudnaanta koowaad siin doonto xoreynta iyo sugidda amniga, waxaan Baledweyne u imid dhiirigalinta iyo garab istaaga dadka deegaankan oo runtii si geesnimo ah ugu istaagay dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab, waxaad noqon doontaan reer Hiiraan dad lagu dayan doono talaabada aad sameyseen ee ah inaad iska dhicisaan cadawga,” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa amray in si deg deg ah loo bilaabo dhismaha Ceelashii biyaha ay qarxiyeen Al-shabaab ee ku yaala deegaanada hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

“Al-Shabaab waa arxanlaawayaal aan bini’aadanimo xata ku jirin, xiligan oo dalka dhibaatada abaarta ad aragtay ka jirto nimanka ceelashii biyaha laga cabaay ka qarxiyay ayaa islaanimo sheeganaya waa ceelashii ay ayaga xata biyaha ka cabayeen, waxaan leeyahay ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka jihaad ayaad ku jirtaan ee cadawga halaga xoreeyo gobolka iyo guud ahaan dalka anagana wan idin garab taaganahay,” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre. 

Horey waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha xaaladda dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab, iyada oo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay dib ugu soo laabteen Muqdisho gelinkii danbe ee maanta.