26.7 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Sawirro: Muxuu Xamza kusoo arkay dekadda ugu weyn Afrika?

Bookmark
Bookmarked

Share

Tangier (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku guda jira howlihii shaqo ee uu u joogay Boqortooyada Morooko ayaa maanta booqday dekadda Tanger Med.

Dekaddan ayaa ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

Dekadda Tanger Med ayaa si istiraatiiji ah isugu xirta ganacsiga Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxaana isticmaala in ka badan 20% maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, taas oo ka dhigtay xarun muhiim u ah isku xirka dhaqaalaha dunida.

Intii uu kusugnaa dekadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxa Dekadda Tanger Med, Mudane Mehdi Tazi Riffi.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga dekedaha, fududeynta ganacsiga iyo wadaagga waayo-aragnimada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in booqashadan iyo kulanka ay qeyb ka yihiin dadaallada ay xukuumaddu ku doonayso dhisidda kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadidda xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Morooko.

Wada-hadalkan ayaa imanaya xilli horumar baaxad leh ay sameynayaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo dhowaan abaalmarino caalami ah ay heleen dekedaha Muqdisho iyo Berbera, xukuumadda Dan-Qaran ay casriyeyn ku waddo dekedaha qaar, kuwa cusub oo waaweyna uu qorshaha ku jiro.

- Advertisement -

Read more

Local News