Sawirro: Muxuu Xasan kusoo arkay xerada Kumaandooska Soomaalida ee TURKEY

ANKARA (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo weli booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo lagu tababarayo ciidan Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey Madaxda ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga, isaga oo uga mahad-celiyey doorkooda ku aadan dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xerada kusoo arkay dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo carbinayo ka mid noqoshada ciidamada Xoogga dalka, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Xasan Sheelh ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, wuxuuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo iyo sugida amniga dalka, isagoo ku boggaadiyey, sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Waxa kale oo uu warbixin guud ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsigan oo u faahfaahiyey xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed kuwaas oo tababar u jooga dugsiga kumaandooska Isparta.

Booqashadan waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macallin Maxamuud, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid, U qaybsanaha Arrimaha Ciidamada Ee Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Janaraal Maxamed Maxamuud Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Turkiga ayaa taageero xoogan siiya Soomaaliya, waxaana kaalin muuqata uu ka qaataa dib u dhiska ciidamada, isaga oo xero milarai iyo safaarad weyn ku leh magaalada Muqdisho.