Sawirro: Muxuu yahay ballan-qaadka uu R/W Rooble u sameeyey fanaan Iidle Yare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay fannaanka Iidle Cabdullaahi Nuune (Iidle Yare).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Iidle Yare u rajeeyay caafimaad deg deg ah, isaga oo ballan-qaaday in uu gacan ka geysan doono sidii uu u heli lahaa daryeel caafimaad.

Fanaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare) oo toddobaadyadii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey xaaladiisa caafimaad ayaa 8-dii bishaan soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Iidle oo degan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa imaanshihiisa Muqdisho kadib waxa lagu wadaa in caafimaad loogu qaado dalka dibediisa, si wax looga qabto xanuunada haya oo ay ugu darantahay Buro madaxa uga taalla.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi iyo xubno ka tirsan ururka, oo dhawaan soo gaaray Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee ONLF ayaa uga mahad-celiyay Rooble go’aankii ay xukuumaddiisu ONLF uga saartay liiska argagixisada oo horay si aan sharci ahayn loogu daray.