Sawirro: Nin Soomaali ah oo laba gabar oo Soomaali ah ku dilay Vienna, Austria

Vienna (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah ayaa laba gabar oo Soomaali ah xalay ku dilay xaafadda Favoriten ee magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria, sida ay xaqiijiyeen booliska.

Booliska ayaa tegay xaafadda kadib markii ay deriska u yeereen, waxayna ugu tageen meydka laba gabdhood oo Soomaali ah oo da’dooda lagu kala sheegay 35 jir iyo 37 jir.

Mid ka mid ah gabdhaha ayaa lagu magacaabay Shurki Axmed Abtidoon, halka gabadha kalena lagu magacaabo Faadumo Maxamed Xirsi. Shukri ayaa la dhalatay xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon, oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Abtidoon ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, waxaa maqribadii lagu dilay Dalka Austaria, Vienna walaasheey: 1- Marxuumad Shukri Axmed Abtidoon, 2- Iyo Saaxiibteed Marxuumad Faaduma Maxamed Xirsi, allaha u wada naxariisto, dambigooda allaha dhaafo, alla hooy uga dhigo Janatul Firdaws naxariistiisa darteed, Aamiin”

Booliska ayaa markii ay tageen guri apartment ah, waxay ugu tageen tuhmanaha dilka gaystan oo ah 28 jir Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim, wuxuuna u sheegay inuu dilay laba gabdhood. Isla goobta ayey ku xireen, kadibna waxay galeen gudaha, oo ay ugu tageen meydka gabdhaha.

Maxamed ayaa la rumeysan yahay inuu mindiyeeyey labada gabdhood.

Wararka qaar oo ay werinayaan warbaahinta gudaha ee Vienna ayaa sheegaya in labada gabdhood ay mid aheyd xaaska hore ee Maxamed, midda kalena ay hayed saaxiibteed. Maxamed ayaa la sheegay in xaaskiisa hore ay u dhashay gabar afar jir ah.

Maxamed ayaa markii booliska ay baareen waxa uu ahaa mid aad u cabsan, waxaana dhiigiisa laga helay alchohol heerkeeda lagu sheegay 2.2. Kiiskan ayaa waxaa hadda baaraya booliska, waxaana warbixino horudhac ah ay sheegayaan in maskaxda looga jiray.

Maxamed Ibraahim, oo magan-galyo ka dalbaday dalka Austria, ayaa loo diiday sababo la xiriira inay booliiska u diiwaan-geliyeen laba dacwo oo ka dhan ah oo mid uu la xiriiray isku day kufsi.