Sawirro: Daawo hoolka lagu qabanayo doorashada iyo sida loo diyaariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda diyaar garowga Doorashada heerka Madaxweyne ee Somalia.

Guddiga qabanqaabada Doorashooyinka ayaa iminka bilaabay diyaarinta Hoolka ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha.

Doorashada ayaa waxaa u sharaxan 23 Musharax oo dooneysa inay qabato talada dalka mudada 4 sano, kuwaa oo qeexay waxyaabaha ay qaban doonaan haddii ay ku guuleystaan Doorashada.

Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 08-02-2017 waxay ka dhacaysaa xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni.