Sawirro: Qarax iyo Rasaas laga maqlay Farance

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka waqooyiga magaalladda Paris ee dalka Farance ayaa toogasho ku dilay maanta labo qof oo lagu tuhunsanaa inay ahaayen Shabakad kamid ah ragii maalinimadii Jimcaha weerarka ka fuliyay Magaalada Paris.

Qaraxa, rasaasta iyo dilka ayaa waxa ay ka dhaceen Xaafad ku taallo waqooyiga Magaalada Paris oo lagu magacaabo Saint Denis, waxaana lasoo warinayaa in haweeney ragaasi la toogtay wehlineysay ay iyana is qarxisay.

Tv-ga BFMTV xaruntiisa dalka Farance ayaa baahiyay in Howlgalkaasi uu ka dhacay dhismo ku yaalla Xaafadaasi, halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyadaasi Daacish u adeegeysay.

Howlgalkaasi ayaa waxaa Ciidamada Farance looga dhaawacay Saddex Sarkaal oo ka tirsanaa Hay’adda Booliska dalkaasi.

Ciidamada oo la kulmay iska caabin xoogan ayaa waxa ay xireen dhamaan wadada Place Jean Jaures ee ku taalla xaafadda Saint Denis si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa xaafadaasi.
1

2

3

4

5

7