Sawirro: Qatar oo safaarad weyn ka dhisaneysa Somalia

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa safaarad cusub ka dhisaneysa magaalada Muqdisho, taasi oo ah astaan kale oo muujineysa soo kabashada caasimadda Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Middle East Monitor.

Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay noqoto tan labaad ee ugu weyn ee Soomaaliya, kadib midda Turkish-ka.

Middle East Monitor, ayaa warka dhismada safaaradda cusub kasoo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Axmed oo sawirada naqshadda safaaradda ku shaaciyey Twitter.

Qatar ayaa sanaddii 2019 waxay Soomaaliya ka billowday fulinta mashruucyo horumarineed oo dhowr ah.

Qatar ayaa dhiseysa dekedda cusub ee magaalada Hobyo, taasi oo loo arko maal-gelin ballaaran oo ay ku sameysaneyso mid ka mid ah dekedaha Soomaaliya ee ay ku loolamayaan dalalka Khaliijka.

Qatar ayaa loo arkaa dowladda ugu dhow ee saaxiibka la ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.