Turkey oo Sacuudi Carabiya ku eedeysay inay dunida ka qarisay arrin xasaasi ah

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa ku eedeysay Sacuudi Carabiya inay dunida ka qarisay tirada dadkii tegay cumrada ee laga helay cudurka Coronavirus, taasi oo halis gelisay dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sheegay in kiisaskii ugu horreeyey ee Coronavirus ee Turkey la helay kaliya kadib markii baaritaan lagu sameeyey dadkii dalkaas u dhashay ee kasoo laabtay Sacuudiga.

Waxa uu sheegay in ka hor dadkaas, aan Turkiga lagu arkay wax kiisas ah oo la xiriira Coronavirus.

“Sacuudi Carabiya naguma wergelin annaga iyo dunida kaleba kiisaska Coronavirus,” ayuu yiri yiri Suleyman Soylu oo la hadlay wakaaladda warraka Turkey ee Anadolu.

“Markii dadka ay kasoo laabteen cumrada, wasaaradda caafimaadka waxay qaaday tallaabooyin kadib markii qaarkood laga helay Coronavirus, waxaana la geeyey xarumo lagu hayo,” ayuu yiri.

Turkey ayaa waxay xaqiijisay in 75 qof ay cudurkaas ugu dhinteen dalka, halka guud ahaan uu sameeyey 3,629 qof. Si kastaba Turkey ma aysan diiwaan-gelin wax kiisas ah ka hor inta aan laga helin dadkii kasoo laabtay cumrada.

Turkey ayaa waxay xanuunkan ka baartay 40,000 qof, kadib markii Shiinaha ay ka heshay 50,000 oo ah qalab 15 daqiiqo gudahood ku sheega natiijada baaritaanka. Waxay sidoo kale fileysaa inay maanta hesho 300,000 oo kale oo ah aaladaha tijaabada oo ka imanaya Shiinaha.