Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriya Xassan Isxaaq oo ah hooyada guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ee u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii argagagaxiso ee dowladda hoose ee Xamar.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaarha uga mahadceliyay tascida uu ugu yimid qoyska.
Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto.
Axada berrito ayaa waxaa lagu wadaa in Gudoomiye Yariisow aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.





